Warar dheeraad: Qarax ka dhacay Qansaxdheere

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sadex qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere, Gudoomiyaha degmada ayaa ku dhawacmay.

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda, sidoo kale labo oo shacab ah oo mid ka mid ah uu la shaqeynayay hay’ad gargaar.