Wararkii ugu danbeeyay Weerarka Banaadir Beach

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ayaa Qoreesa  Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Banaadir Beach ayaa sheegaya in ciidamada amaanka wali ay wadaan howlgalka ay kaga hortagayaan weerarka ku soo qaaday Maqaayadaan.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa SONNA u xaqiijiyay in Sadax ka tirsan Maleeshiyadaan ay gudaha ugu jiraan Maqaayadda ciidanka ay haatan ku heerarsanyihiin.

Wali waxaa la maqlayaa Rasaas u dhaxeysa ciidanka amaanka iyo kooxaha Argagixisada ah ee soo weeray Maqaayadaan.

Maydadka Labo Haweyn ah ayaa haatan waxaa lagu arkayaa banaanka hore ee Banaadir Beach, lamana oga inta uu la egyahay Khaasaraha wali.

Lasoco Wixii Kusoo kordho

Shaaciye24.com

Muqdisho-Soomaaliya