Warbixin. AKHRISO Liiska 10Kooxod Ee Ugu Mushaarka Badan Dunida United Kaalinta 1aad Gashay——–

Man United ayaa noqotay kooxda bixisa mushaarka ugu badan isku cel celis sanadkiiba kubabda cagta adduunka sida ay sheegeyso diraasadii ugu dambeysay ay sameysay Global Sports Salary Survey ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (GSSS) taa oo sahan ku sameysa mushaaraadka ciyaaraha  adduunka.

Kooxda ka arrimisa Old Trafford ayaa halka sare ugu soo baxday qiimeytan lagu sameeyay ku dhawaad 10,000 oo ciyaartooy, 333 kooxood oo todobo ciyaaro oo kala gadisan 17-da horyaal ee ugu qaalisan adduunka.

Barcelona, Manchester City, Real Madrid iyo Chelsea ayaa ka soo mid noqday 5-ta kooxood ee bixiya mushaarka ugu badan kooxaha kubbada cagta adduunka laakiin waxaa ka wada sarreeyay kooxaha ciyaara Basketball ee Cleveland Cavaliers, New York Yankees iyo LA Clippers.

 Dhanka kale horyaalka Premier League ayaa noqday horyaalka bixiya mushaaraadka ugu badan isku cel-celis sanadkiiba 2,438,275 oo bound, ama £48,766 usbuuciiba, waana labo jibaar mushaaraadka ay bixiyaan horyaalada La Liga iyo Serie A.

lll

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa isku heysta booska sare ee laacibka ugu mushaarka badan adduunka waxaana ku soo xiga Gareth Bale oo dhawaan heshiis cusub u saxiixay Real Madrid.

Neymar iyo Zltan Ibrahimovic ayaa 9-aad iyo 10-aad ugu kala jira qiimeyntan la sameeyay ee laacibiinta ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka.

Top 10 best-paid footballers (annual salary)

llll

 

Marka laga hadlayo kooxaha ugu mushaarka badan addunka iyadoon la eegeyn oo kaliya kuwa kubbada caga waxaa hogaanka haya Cleveland Cavaliers ee ciyaarta Basketball-ka waxaana ku soo xiga labada kooxood ee kale oo iyana Basketball-ka ciyaarta New York Yankees iyo LA Clippers, Man United ayaa afaraad soo galeysa balse kooxaha kubbada cagta ayay hogaanka u heysaa.

Top 10 best-paid sports teams (average annual salary)

lllll

WQ.ISMACIIL CABDI IBRAHIM { SANKA }