Warbixin. BBC Oo Shaacisay Xidigaha Ugu fiican Sanadkan 2016 Ee Africka Ka Soo Jeedo————

Waxaa la soo saaray liiska kooban ee xidigaha u tartami doona abaal marinta xidiga sanadka ugu fiican qaaramada Afrika ee ay BBC-du sanad kasta bixiso. Abaal marinta BBC African Footballer of the Year 2016 ayay sanadkan ku tartami doonaan xidigo xili ciyaareedkii hore qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.Wuxuuna liiskani ka kooban yahay shan ciyaartoy oo laga soo reebay liiska ciyaartoyda qaaramada Afrika ugu fiican.

1:   Riyad Mahrez (Algeria & Leicester)

Xidiga xulka qaranka Algeria iyo kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez oo xili ciyaareedkii hore aduunka ka yaabsatay ayaa ku soo baxay liiska shanta ciyaartoy ee sanadka u sharaxan abaal marinta xidiga Afrika ugu fiican. Mahrez ayaa Leicester City ka caawiyay in ay Premier Leaque-ga si lama filaan ah ugu guulaysto, wuxuuna ku soo guulaystay xidigii Premier Leaque-ga ugu fiicnaa xili ciyaareedkii hore halka uu ku soo baxay liiska 30 ka ciyaartoy ee ku tartami doona Ballon d’Or.

mehrs2 mehrs

2:  Sadio Mane (Senegal & Liverpool)

Waxaa sidoo kale liiskan ku soo baxay xidiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane kaas oo xili ciyaareedkii hore Southampton ka caawiyay in ay soo baxdo tartanka kooxaha Yurub ee Europa Leaque-ga isla markaana xili ciyaareedkan Liverpool ka caawinayay in y si xoogan ugu tartanto premier Leaque-ga.

Sadio Mane ayaa 6 gool Liverpool uga dhaliyay 11 kii kulan ee Premier Leaque-ga ilaa hadda la soo ciyaaray wuxuuna sidoo kale xili ciyaareedkii hore uu 15 gool u soo dhaliyay kooxda Southampton oo uu 34 Milyan oo gini ay Liverpool kagala soo wareeegtay. Sadio Mane ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican wuxuuna ka mid yahay xidiga loo saadaalinayo in ay abaal marintan ku guulaysan karaan inkasta oo Mahrez si wayn loogu saadaalinayo

sadu-1sadu-2

3:  Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon & Borussia Dortmund)

Xidiga saddexaad ee ku soo baxay liiska kooban ee musharixiinta xidiga Afrika ugu fiican ee BBC African Footballer of the Year 2016 ayaa ah xidiga kooxda  Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo xili ciyaareedkii hore 25 gool ka dhaliyay horyaalka Germany wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu cad cad ee abaal marintan ku guulaysan kara.

imriki-2 imriki1

4: Yaya Toure (Ivory Coast & Manchester City)

Xidiga afraad ee liiskan kooban ku soo baxay ayaa ah xidiga abaal marintan difaacanaya ee Yaya Toure kaas oo xili ciyaareedkii hore Manchester City ka caawiyay in ay soo gaadho afar dhamaadka Champions Leaque-ga isla markaana ay ku guulaystay leaque Cupka. Inkasta oo uu xili ciyaareedkan ka maqan yahay kooxda Guardiola haddana 33 jirkan ree Ivory Coast ayaa waxqabadkiisii xili ciyaareedkii hore liiskan ugu soo baxay.

t2 tuure

Andre Ayew (Ghana & West Ham)

Waxaa liiskan shanta musharax ee xidiga sanadka Afrika ugu fiican ee BBC-da ku soo baxay xidiga kooxda West Ham United iyo xulka qaranka Ghana ee Andre Ayew kaas oo qaab ciyaareed aad u fiican xili ciyaareedkii hore ku soo bandhigay kooxda Swansea City wuxuuna xagaagii dhawaa 20.5 milyan gini ugu biiray kooxda West ham United oo aanu wali saamayn fiican ku yeelan dhaawac soo gaadhay awgii.

ayuu-2ayu

AKHRISTE YEY KULA TAHAY INUU ABAAL MARINTA KU GUULEY SANAAYO

FIKIR KAAGU WAA MUHIIM

WQ: ISMACIIL CABDI IBRAHIM { SANKA }