Marka ay Manchester City la ciyaareyso Chelsea maanta, waxaa iska horimaan doona labo ka mid ah kooxaha ugu sareysa hogaanka Premier League.
Waxaa sidoo kale iska horimaan doono labo kooxood oo lacag badan lagu qarashgareeyay islamarkaana milkiilayaal bilyaneero ah ay ka danbeeyaan.
Stamford Bridge waxaa quudiya bilyaneerka reer Russia Roman Abramovic halka Etihad ay ka danbeeyaan maalqabeenka Carbeed ee Sheekh Mansuur, lacagta ay geliyeen labadaan nin kooxahaan Ingariiska ayaana ka dhigtay awood kubada cagta Yurub ka dhex muuqata.
Iyadoo taasi maanka lagu hato, Jariirada Metro ayaa baartay qiimaha ciyaartoyda labada kooxood u ciyaara ay ku fadhiyaan waxaana soo baxday inay tahay kulan aad u qaali ah.
SHAXDA AY MAN CITY KU SOO SHIRTAGI KARTO MAANTA:
WAA IMISSA QIIMAHOODA?
Wadar ahaan Shaxdooda: 274.7 milyan ginni
Aan ku darno lacagtaas qiimaha ciyaartoyda kale ee Man City…
Ciyaartoyda kale ee kooxda: Ilkay Gundogan (£20m), Fernando (£12m), David Silva (£26m), John Stones (£47.5m), Kelechi Iheanacho (N/A), Pablo Zabaleta (£6.45m), Fernando (£12m), Willy Caballero (£6m), Leroy Sane (£37m), Jesus Navas (£14.9m), Vincent Kompany (£6m), Aleix Garcia (N/A), Fabian Delph (£8m)
Qiimaha guud ee Man City ay ku fadhiso = 470.55 milyan ginni.
SHAXDA AY CHELSEA KU SOO SHIRTAGI KARTO MAANTA:
Waa Imissa Qiimahooda?
Wadarta: 220.5 milyan ginnim
Aan ku darno lacagtaas qiimaha ciyaartoyda kale ee Chelsea…
Qiimaha ciyaartoyda kale ee Chelsea: Willian (£32m), Branislav Ivanovic (£9m), Oscar (£19.3m), John Terry (N/A), Cesc Fabregas (£30m), Nathaniel Chalobah (N/A), Michy Batshuayi (£33.2m, Ola Aina (N/A), Ruben Loftus-Cheek (N/A), Kurt Zouma (£12.5m), Asmir Begovic (£8m), John Obi-Mikel (N/A)
Wadarta qiimaha guud ee Chelsea = 364.5 milyan ginni.