Warbixin: Taariikhda Ciidanka Xooga Dalka Iyo Marxaladihii Ay Soo Mareyn————

Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad guuradii 57-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, iyadoo aas aaska ciidanka taariikh aad u dheer laga hayo.

Professor Cabdikariin Nuur Daa’uud  ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka meel hoose aas aaskooda laga soo bilaabay xilligii uu talyaaniga dalka ka baxayay.

Wax auu sheegay in xilligaasi ay jireen xoogaa Booliis ah, islamarkaana ay jireen saraakiil aan badneyn oo Talyaanigu tababar u qaaday, markii la keenayna ay is weydiiyeen saraakiisha in la dhiso ciidan Milatari ah.

Saraakiishii ayaa la kala qeybiyay oo qaar Booliskooda ayaa loo dhaafay, halka kuwa kalena ay bilaabeen aas aaska ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Ciidanka ayuu tilmaamay in markii sidaasi lagu bilaabay ay kumanaan gaareen, islamarkaana ay noqdeen kuwa Afrika ugu tayada fiican, markii la dhisaayayna Uljeedo iyo hadaf lagu dhisay iyadoo waliba aanu awood badan jirin xilligaasi.

Sanad walba ayuu sheegay markii loo dabaal degayo 12-ka April ayuu sheegay in wadooyinka ay xirmi jireen, hase ahaatee ciidanka ay magaalada oo dhan ku sameyn jireen gaada ka ciyaar, iyadoo haweenka ay Alalaaska ka daba wadaan.

Professor Cabdikariin Nuur Daa’uud ayaa is weydiiyay su’aal ahayd maadaama ciidanka xooga dalka ay dad tiriyo bilaabeen islamarkaana ay gaarsiiyeen meel sare, balse aan la ogeyn sababta hadda ka dambeysa iyadoo awood badan ay jirto in ciidanka aan la xoojin awoodooda, islamarkaana loo la yahay ciidan u adag sida kuwii hore oo kale.

Taariikhda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya waa mid ka mid ah Hantida ugu faca weyn oo ay leeyihiin shacabka soomaaliyeed, waaa hanta ma guurto ah iyo Xasuus ku keydsan dadka garan kara qiimaha ay leedahay 12 April.

Taariikhda Xooga Dalka Soomaaliya waa arrin markasta laga hadlayo oo aay kaaga dhex muuqanaayso sharaf, karaamo, magac wanaagasa, geesinimo iyo guulo ay u soo hooyeen umadda Soomaliyeed,islamarkaana markaaad dhinaca kale ka eegto iyo sida ada ay yihiin ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya aad dareemeyso murug, nasiib daro ku dhacday Xooga Dalka Soomaaliya iyo Masiibo qaran oo u baahan xal de deg ah.

MARXALADIHII AY SOO MAREYN CIIDANKA XOOGA DALKA

Waajibaadka Xooga Dalka Soomaaliya waa Inuu difaaco Dalka soomaliyeed, kana difaaco dhinacyada bad,cir iyo welibo dhul kana difaaco cadow kasta oo isku daya in uu kusoo xadgubo gayiga soomaaliya.

Xooga Dalka Soomaaliya waxaa lagu aminay oo ay difaaci jireen calanka ummada soomaaliyeed.

Xubin kasta oo katirsa Xooga Dalka Soomaaliya marka uu ku soo biiro ciidan ka waxuu ku dhaaranayaa in uu difaacayo dalkiisa una hurayo naftiisa xubin kasta oo ka mid ah Xooga Dalka Soomaaliya waxaa lagu maamuusay in uu xirto calaamad ka samaaysan calanka soomaaliya.

Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la asaasay 12 April sanadku markuu ahaa 1960, waxa uuna ka kooban yahay ciidamada Lugta, Bada iyo welibo Cirka.

Markii aay Soomaaliya xoriyada qaadatay 1960,waxaa  ogolaasho ama fasax ka heshay Qaramada Midowbaay Si aay u dhisato ciidan ilaaliya xudeeda.

Waxaa ciidamadii ugu horeeyeyee soomaliya dhisato laga kala keenay labadii qeybood ee ka xuroobay gumeystayaashi Ingriiska iyo Talyaaniga.

Taliyihii ugu horeeyey ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya yeesho waxuu ahaa AUN General Daa’uud Cabdulle Hirsi, kuxigeenkii suna waxuu ahaa AUN General Maxamed Siyaad Barre.

Xooga Dalka Soomaaliya wixii waqtigaa kadambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcaayay.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka ayaa u mahad celiyay Saraakiishii usoo dhabar adeegtay dhismaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in iminka la joogo xilligii dib loo soo nooleyn lahaa tayada ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

1976 waqtigaasoo Dawldda Soomaliya si qarsoodi ah ugu diyaar garoowday dagaalkii Soomali Gabeed waxaa Ciidamada lagu qiyaasayey in ay tiradoodu gaareysay.

23 Guuto oo ciidanka lugta ah
2 Guuto oo Komaandooska ah
9 Guuto ooTaangi ah
9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah
4 Guuto oo ciidanka Difaaca ah
Ciidanka Cirka dayaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52 dayaaradood, 24 ka mid ah waxeey ahaayeen kuwa Miiga 21
Qaaybaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya sida qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo, qeybta 21-aad ee magaalada Dhusamareeb, iyo qeybta 26aad ee magaalada Hargeeysa.
Saldhigyada waxay kala ahaayeen 43-aad ee magaalada Kismayo, iyo  54-aad ee magaalada Garowe.
Ciidanka Bada saldhiyadiisa waxay ku yaaleen magaalooyinka Muqdisho oo Banaadir ah, Kismayo oo Jubbada Hoose ah iyo Berbera oo Waqooyi galbeed ah.
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12 Bisha April sanadkan 2016 waa sanad guuradii 56-aad ee ka soo wareegtada aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Hadaba waa side Xaalada Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, ma helaan xuquuqdooda aasaasiga ah,?..

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa haatan helin xuquuqdoodii aasaasiga sida helitanka Mushaarkooda, Daryeelkooda iyo ka warqabka iyo hormarinta shaqadooda.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe waxay saaxiib la noqdeen daryeel la’aan, iyo xaalado adag inkastoo ay intaasi dhan heystaan weli ma joojin shaqada Qaranka iyo difaacida Dalka.

Madaxweyne walbo oo dalka hogaamiye ka noqda waxa uu balan qaad aan afka dhaafsiisneyn u sameeyaan Ciidanka Xooga Dalka.

WQ: Ismail Abdi Ibrahim { Sanka }