Kooxda Juventus ayaa taariikh cusub udhigtay suuqa kala iibisa ciyaartoyda ee horyaalka Talyaaniga kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa Gonzalo Higuain oo ay kula soo wareegtay 90 milyan oo euros. Haddaba waa kuwee 20 ka ciyaartoy ee taariikhda suuqa kala iibisaga horyaalka Talyaaniga ugu qaalisanaa?
Shabakada ciyaaraha ee Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa dhamaan 20 ciyaartoy ee abid lacagta ugu badan ay kula soo wareegeen kooxaha horyaalka Talyaanigu iyo waliba qiimaha ciyaartoy kasta lagula soo wareegay. Waxa kale oo aanu diinku soo gudbinaynaa kooxaha ciyaartoydan la soo wareegay iyo kooxihii lagala soo waregay.
HADDABA HALKAN KAGA BOGO LIISKA 20 KA CIYAARTOY EE ABID UGU QAALISAN SUUQA KALA IIBISAGA CIYAARTOYDA EE HORYAALKA TALYAANIGA:
Ka hor intii ayana Juventus heshiiska Higuain la gaadhin waxaa rekoodhka xidiga ugu qaalisan horyaalka Talyaaniga haystay Hernan Grespo oo kooxda Lazio kaga soo biiray Parma waxayna Lazio rekoodhka suuqa horyaalka Talyaaniga haysatay 55 milyan oo euros. Heshiiska Grespo ee Lazio ayaa la dhamaystiray sanadkii 2001 kii.
Waxaana kaalinta labaad ee xidiga suuqa Serie A-da ugu qaalisan ku jiray goolhaye Gianluigi Buffon oo ay Juventus isla kooxda Parma kagala soo wareegtay 52.9 milyan euros. Waxayna Juventus goolhaye Buffon la soo wareegtay sanadkii 200kii.
FIIRO GAAR AH: Lacagtu waa euro iyada oo kooxda magaceedu soo horeeyo lagala soo wareegay ciyaartoydan halka kooxda u magaceedu danbeeyo ay tahay kooxda la soo wareegtay ciyaartoyga.
20. MARCIO AMOROSO | Udinese – Parma | 1999 | €28m
19. ANTONIO CASSANO | Bari – Roma | 2001 | €28.5m
18. CARLOS BACCA | Sevilla – AC Milan | 2015 | €30m
17. JUAN SEBASTIAN VERON | Parma – Lazio | 1999 | €30m
16. ALESSANDRO NESTA | Lazio – AC Milan | 2002 | €30.5m
15. GEOFFREY KONDOGBIA | Monaco – Inter | 2015 | €31m
14. MIRALEM PJANIC | Roma – Juventus | 2016 | €32m
13. PAULO DYBALA | Palermo – Juventus | 2015 | €32m
12. GABRIEL BATISTUTA Fiorentina – Roma | 2000 | €32.5m
1. HERNAN CRESPO | Lazio – Inter | 2002 | €36m
10. FILIPPO INZAGHI | Juventus – AC Milan | 2001 | €37m
9. GONZALO HIGUAIN | Real Madrid – Napoli | 2013 | €38m
8. PAVEL NEDVED | Lazio – Juventus | 2001 | €41.2m
7. LILIAN THURAM | Parma – Juventus | 2001 | €41.5m
6. RUI COSTA | Fiorentina – AC Milan | 2001 | €42m
5. CHRISTIAN VIERI | Lazio – Inter | 1999 | €45m
4. GAIZKA MENDIETA | Valencia – Lazio | 2001 | €48m
3. GIANLUIGI BUFFON | Parma – Juventus | 2001 | €52.9m
2. HERNAN CRESPO | Parma – Lazio | 2000 | €55m
1. GONZALO HIGUAIN | Napoli – Juventus | 2016 | €90m