WARBIXIN: Waayihii Fellaini Ee Man Utd Oo Gabagabo Ah Iyo Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Man United Barbaraha La Gashay Everton.

Man United ayaa barbarihii seddexaad oo isku xigta la kulantay kulankii xalayto ay barbaraha 1-1 la galeen Everton, iyadoo tababare Mourinho uu u arko weli in kooxdiisa ay nasiibdarro ku habsatay.

Laakiin iyagoo ku dhow inay seddexda dhibcood jeebka ku ritaan waxaa rigoore ku keenay dhamaadkii ciyaarta Marouane Fellaini taasoo u sahashay Everton inay ciyaarta barbareyso.

Hadaba jariirada Daily Mirror ayaa qortay shan waxyaabood oo laga bartay kulankii xalayto qortay, laacib.net ayaana idiin soo tarjuntay.

1. Sidee ayuusan weli Marcos Rojo casaan ku qaadanin waayihiisa ciyaareed ee Man United?
Sababta kaliya ayaa ah inuusan wax badan ciyaarin.

Taakalkii labada cagood ahaa ee uu ku sameeyay Idrissa Gueye ayaa u qalmay casaan toos ah, laakiin nasiib ayuu ku lahaa inuu garoonka ku sii jiray.

2. Maxaa ka qalday garsoorayaasha Premier League?
Ma ahan wax lagu doodi karo in garsoore Michael Oliver inuusan arkin qaladka xun ee uu daafaca ku galay Idrissa Gueye sababtoo ah waxa uu arkay in ku filan oo keentay inuu kaarka hurdiga ah u taago Rojo.

Go’aan qaldan ayuu qaatay garsooraha sida cad. Xitaa haddii uusan arkin, calanwadaha ayaa arki karay ilaa iyo inta uu dhulka ka soo kacay Rojo. Waxbaa si dhab ah uga qaldan garsoorayaasha Premier League waqti xaadirkaan.

3. Qaladkii Ramiro Funes Mori
Haddii uusan daafaca Everton ka quusan laheyn ceyrsashada kubada goolka ku socotay, waxa uu ka soo badbaadin lahaa xariiqda goosha. Laakiin taasi kaliya ma aysan aheyn qaladkiisa.

Sida uu Ibrahimovic kubada uga wareegsaday ayaaba aheyd qaladkiisii ugu horeysay, waxaana uu soo bandhigay difacaasho amakaak leh.

4. Labo kooxood oo lacag badan qarashgareeyay hadana meel dhexaad ah.
Man United iyo Everton wadar ahaan waxa ay qarashgareeyeen 200 milyan ginni xagaagii, sidaasi oo ay tahayna waxa ay ciyaartoydii xalayto soo bandhigtay inay weli meel dhexaad yihiin oo aysan heerka sarre soo gaarin.

Muran la’aan qaab ciyaareedkooda waxa uu si weyn uga hooseyaa shanta kooxood ee horyaalka ugu sareysa.

5. Waayihii Fellaini ee United miyuu soo dhamaaday?
In muddo ah ayay taageerayaasha United ka cabanayeen tayo la’aantiisa, laakiin United uma baahneyn tayadiisa waxa ay u baahnaayeen dishibiliinkiisa.

Taasi xitaa ma uusan sameyn karin isagoo qalad caajis ah ku galay Idrissa Gueye taasoo United u diiday inay seddexda dhibcood ku qaataan Goodison Park.

Waxaana ay tani noqon kartaa gabagabada waayaha xiddiga reer Belgium ee Old Trafford.