Warbixn: Agaasimayaasha guud Ee Wasaaraha Dowladda Oo Isbadel Lagu Sameenayo————–

Waxaa socda qorshayaal is bedel ah loogu sameynayo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda, iyadoo is bedelkan uu qeyb ka noqonayo mid si guud ah u saameyneysa hey’adaha dowladda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulamada ugu soo horeeya Golaha Wasiirada la hor-geyn doono soo jeedin ku saabsan is bedel guud oo lagu sameeyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha, is bedeladan ayaa isugu jira doona kuwo xil ka qaadis iyo isu bedel wasaarado kale.

Saameynta ugu weyn ayaa ku yeelan doonta Agaasimayaal muddo xilka hayay, oo aan la bedelay tan iyo Xukuumaddii Nuur Cadde, sida la xusuusan yahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in habka xilalka Wasaaradaha ay ka bedelnaan doonto qaabkii horay u soo gudbin jireen Wasiirada, waxaana shaqsi walba la sheegayaa inuu imtixaan u geli doono xilka shaqo ee Agaasimaha Wasaaradda, iyadoo qofka soo dalbanaya laga rabo shahaado heer jaamacadeed, qibrad shaqo iyo shuruudo kale.

Hadii qorshahan uu hirgelo ayaa waxay noqoneysaa midii u horeysay ee si cadaalad ah u dhacda, isla markaana qofka shaqada lagu qaadanayo uu noqdo mid aqoontiisa ku hela ee aan waji garasho iyo qabiil midna ku helin.