Wasaarada Caafimadka Soomaliya oo Balan qaaday in Dibadda ay u qaadi doonto Dadka qaba Dhaawacyada Halista ah

Iyadoo shalay qarax xoogan oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa arinkaasi jawaab kulul ka bixiyay maamulka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in ay aad ugu xun yihiin falkaasi wuxuushnimada ah waxa ayna xuseen in wasaaradoodu ay wado qorshayaal dalka dibadda loogu qaadayo dadka qaba dhaawacyada halista ah ee ku wax yeeloobay qaraxaasi, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur “Madeer” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo dalka dibadiisa loogu qaadayo dadkii wax yeelada xoogan ka soo gaartay qaraxii xooganaa ee barqanimadii shalay ka dhacay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

“Dhamaan dadka qaba dhaawacyada halista ah ee shalay ku wax yeeloobay qaraxii shalay waxaa u qaadeynaa dalka dibadiisa, si wax looga qabto xaaladooda caafimaad, maadaama ay dishay gacan ka xaqdaran” ayuu yiri, Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur “Madeer”.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uuna alle uga baryay in jannadii fardowso uu ka waraabiyo.

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay banaanka Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana uu ka mid ahaa qaraxyadii ugu xooganaa ee soo mara Muqdishi.