Wasaaradda Haweynka Soomaliya oo soo gaba gabeeysay Kulan Looga Tashanayo Ansixinta Sharciga Gudniinka Gabdhaha+Sawirro

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Dr. Abdiqani Sheekh Omar ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay kulan wadatashi ah oo looga doodayay sharci Mamnuucaya Gudniinka Gabdhaha, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka socdey gudiyada Xildhibaanada baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, Ururada Bulshada Rayidka iyo masuuliyiin kasocotay wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, waxaan la isku dhaafsaday doodo la xiriiray sharciga mamnuucaya gudniinka gabdhaha oo ay Wasaarada Haweenku latashiyo badan kala sameysan maamul gobaleedyada dalka iyo ururada u dooda xuquuqul aadanaha.

Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa ka dooday dhibaatooyinka caafimaad ee uu leeyahay gudniinka, iyagoo qaarkood ka sheekeeyey gabdho naafo u ah gudniinka iyo Kuwo dhibaatooyin dhanka dhalmada ay haysato, Waxeyna isla garteen in muhiimad gaar ah ay leedahay ansixinta iyo dhaqan galinta sharcigan.

Agaasimaha waaxda Jenderka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Sacdiya Maxamed Nuur ayaa ka qeybgalayaasha kulanka u shahraxday ujeedada wadatashiga, oo ah in xubnaha ka socdey gudiyada baarlamaanka In ay kala tashadaan sida ugu haboon ee baarlamaanka u ansixin lahaayeen sharcigaan oo xiligan muhiim u ah gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed, si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka Gudniinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Dr. Abdiqani Sheekh Omar ayaa sheegay inuu yahay dhaqtar, aadna u fahamsan dhibaatooyinka gudniinka gabdhaha, isagoo xusay in Wasaaradu ay xooga saareyso in sida ugu dhaqsiyaha badan ay sharcigan ugu gudbineyso golaha wasiirada, kadibna Baarlamaanka loo gudbindoono.

Agaasimaha ayaa xusay in Wasaaradu ay la kaashan doonto ansixinta sharcigaan Xubnaha gudiyada baarlamaanka, isagoo u mahadceliyay xubnaha Baarlamaanka ee kulanka ka soo qeybgalay islamarkaana kulamo kale oo wadatashi ah la yeelan doonaan mudaneyaasha Baarlamaanka.

Xildhibaan Zeynab Maxamed Caamir oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtey In gabdhaha baarlamaanka ay Isugu tagi doonaa ansixinta Sharciga Gudniinka gabdhaha Marka ay Goalaha wasaaradu usoo gudbiyaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay ku howlaneed sidii ay qeybaha kala dawan ee bulshada wadatashiyo ugala sammeyn laheyd sharciga Gudniinka Gabdhaha, kaas oo hadda maraya meeshii ugu dambeysay Wasaaradduna qorsheneyso in ay u gudbiso xukuumadda Soomaaliya.

 

13883744_1107107586035496_692839255_n 13883776_1107107496035505_1780267241_n 13884307_1107107936035461_1660052904_n 13933269_1107107659368822_803951939_n 13936724_1107108019368786_1643313517_n 13942364_1107107629368825_1154930461_n 13942695_1107107472702174_192645271_n