Wasaaradda waxbaarshada oo xariga ka jartay Dugsi sare oo laga hirgeliyay caabudwaaq+sawiro

Munaasabad xariga looga jarayay Dugsiga sare ee degmada oo ay si wadajira uga qayb qaaten dhismahiisa DFS iyo Hay’ada US AID ayaa lagu qabtay qabtay dugsiga sare ee degmda Caabudwaaq .

Waxaa Munaasabdaasi ka qayb galay masuuliyiin kala duwan waxaana kamid ahaa madaxdii ka soo ayb gashay munaasabadan.
W/kuxigeenka W/Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee DF Xaamud Cali Xasan,
Gudoonka waxbarashada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Nuur ,
Wasiirka W/waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Galmudug Shiikh Ibraahin
Shiikh Xasan,Agaasimaha guud Wasaarada waxbarashada Galmudug Axmed
Cusmaan Cali, Maamulka degmada, iyo qaybaha kala duwan eee Bulshada.

Gudoomiyaha degmada caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo munaasabadaasi ka
hadlay ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta u timid ka qaybgalka
furitaanka dugsiga sare iyo Abaalmarinta Ardada ikuulka Shire jaamac
oo sadex kamid ah ay kamid noqotay 10.kii arday ee ugu sareysay
itixaankii qaran ee dalka ay ka sameysay Dawladeeda 2015/2016.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Shiikh Ibraahin Shiikh Xasan
Guureeye oo munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa u sheegay
iskuulka Shire jaamac ee guusha ka gaaray imtixaakii qaran ee
laga sameeyay dalka ay abaal matrin doonto dawladu waxaana sidoo kale
uu soo hadal qaaday qorshayaasha waxqabad ee la filayo dhawaan in laga
sameeyo Degmada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Faderaalka Xaamud Cali Xasan iyo wafdi la socday oo u yimid degmada Furitaanka dugsiga sare ee degmada iyo Dhiiragalinta Iskuulka Shire Jaaamac oo Sadex ka midi ah Ardaydii uga qaybgashay Imtixaanka Qaran ay ku jiraan afarta ugu sareysa ee kubaastay Imtixaankaasi, waxaana uu sheegay in ay farxad u tahay ka soo qaybgalkiisa Guushaasi.

Saddexda Arday safka hore ka gashay imtixaanka Dowladda ayaa la guddoonsiiyay min shan boqol oo doolarka Mareykanka ah oo ah lacag lagu dhiiri gelinayo, taasi oo ay iska soo urruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka, Urur la yiraahdo DDF iyo Guddiga garoonka diyaaradaha Caabudwaaq.

 

waq1 waq2 waq3 waq5 waq6 waq7 waq8 waq9 waq10 waq11 waq12 waq13