Wasiir Odowaa iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Cadaado Gaaray

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Mudane C/rixmaan Odowaa ayaa u tagay magaalada Cadaado sidii uu ukormeeri lahaa magaalada maadaama ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale ujeedada safarka wasiirka ayaa waxaa qayb ka ah sidii dib loogu dardargalin lahaa wadahadalada Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna ee ku sugan qaybo ka mid ah gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Cadaado ayaa waxay ka mitahay magaalooyinka dalka oo sanadkaan ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.