Wasiir Odowaa oo Xilalka ka qaaday Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Dagmooyinka Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, ayaa waxay is bedel ku samaysay qaar ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ka dib markii uu soo jeedintaasi sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale .
Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa Digreeto uu soo saaray xilka kaga xayuubiyay Gudoomiyihii Degmada Kaxda, C/ladiif Xasan Badawi.
Digreetada, ayaa waxaa lagu magacaabay Maxamed Ismaaciil Macalin inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Kaxda.
Sidoo kale Digreetada waxaa ka muuqanaayay in Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Xamar Weyne iyo Shingaani leesku bedelay, iyadoo C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab) uu ka hawlgeli doono Degmada Shingaani, halka Saciid C/qaadir Saciid uu isna u wareegi doono Degmada Xamar Weyne.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Mustaqbal u sheegay in Duqa Magaalada Muqdisho uu Wasiir Odawaa weydiistay in xilalka laga xayuubiyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo Dharkiinley, balse uu taasi ka biyo diiday Wasiirku.
Wasiirka, ayaa sidoo kale ka horyimid in leesku bedelo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, markii uu sidaasi ka codsaday Duqa Magaalada Muqdisho.
Tallaabada uu Wasiir Odawaa ku aqbalay in xilka laga qaado Gudoomiyihii Degmada Kaxda, ayaa lagu sheegay wada shaqayn la’aan ka dhex jirtay Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha shaqada laga eryay.
Maalinta Khamiista ee Beri ah, ayaa waxaa lagu wadaa in C/ladiif Xasan Badawi uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Kaxda, Maxamed Ismaaciil Macalin.