Wasiirka Difaaca Qaranka Oo Hambalyo Udiray Ciidanka Xooga Dalka———–

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Maanta u Dabaal dagaya 57-sano guuradii ka soo Wareegatay Markii la aas aasay 12-ka April 1960-kii.
Wasiirka ayaa sheegay inuu Hambalyo u dirayo Ciidamada Milatariga Soomaaliya Meel-kasta oo ay joogaan,waxaana uu ugu Hambalyeeyay Maalinta Qiimaha weyn leh ee 12-ka April.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Ciidamada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Dagaalka Dowladdu ay kula jirto Shabaab oo ay Shacabka dhibta ka saaraan.