Wasiirka Gaadhaandhiga Dalka Japan oo Booqasho ku joogtay Wadanka Jabuuti

Tomomi Inada oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Japan ayaa booqasho rasmi ah oo ah tii ugu horeysay  ku tagtay magaalada jabuuti, iyadoo indha indheyn doonto xaaladda Ciidamada Japan ka jooga dalka jabuuti.

Ciidamada Japan ee Saldhiga ku leh jabuuti, ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin Ciidamada wadajirka ah ee la dagaalanka Burcad Badeedda khatarta weyn ku haysa nabadgelyada Marakiibta Badda  ee  marta  Gacanka Khaliijka iyo Badweynta Hindiya.

Bayaan laga soo saaray Safaaradda dalka japan ee Jabuuti, ayaa lagu sheegay inay wasiiradu la kulmi doonto Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Gelle iyo Wassiirka Difaaca Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, kalana hadli doonto Cilaaqaadka Caasimadaha Tookiyo iyo Jabuuti ay wadaagaan ee dhanka la dagaalanka Bucad Badeedda.