Wax Ka Baro Cudurka Kaadi Macaanka Oo Ay Ku Diyaarisay Xarunta Maareynta Iyo Macluumaadka Kaadi Macaanka ( Ama sokorowga )

mm

Wax ka baro Cudurka Kaadi sonkorowga:

 

                  Waa maxay kaadi sokorowga? Maxaase Sababa?

 

Kaadi sonkorowgu waa cudur ka dhasha sababa in sonkorta dhiigagu ku jirta ay aad u kororto, markka uusan jidhkaagu si habboon u isticmaali karaynin cuntada aad u cuntid inaad tamar ka hesho. Unugyadaadu waxay u baahan yihiin tamar si ay u noolaadaan una koraan.

Markaad cunto cuntid, jidhkaagu wuxuu cuntada u jajabiyaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sonkorta. Glucose-tu waxay gashaa dhiiggaaga ka dibna sonkorta dhiiggaaga ayaa kor u kacda. Insulin waa hoormoon ay samayso xammeetidaadu. Waxay caawisaa in glucose-tu dhiiggaaga kadhaqaaqdo ayna aaddo unugyada jidhkaaga si markaas jidhkaagu uu ugu isticmaalo tamar. Dadku ma noolaan karaan insulin la’aan..

Waxaa jira saddex nooc oo waaweyn oo kaadi sonkorow ah.

  • Sonkorowga Nooca 1, xammeetidu ma samayso insulin.
  • Sonkorowga Nooca 2, xammeetidu ma samayso insulin ku filan ama jidhkaagu ma awoodo inuu isticmaalo insulin-ta ay xammeetidu samayso.
  • Sonkorowga ilmuhu uurka ku jiro waqtiga uurka, hooyadu ma awooddo iney sameyso insulin ku filan si ay ugu daboosho baahida hooyada iyo ilmaha labadaba.

Arrimaha Halista leh ee Kaadi Sonkorowga

naag-sokor

Waxaad in badan halis ugu jirtaa inaad sonkorow qaaddo haddii:

  • Aad ka soo jeeddo qoys ay kuwa kale sonkorow qabaan
  • Uu miisaankaagu xad dhaaf yahay
  • Aad ka weyn tahay da’da 40 sano
  • Aadan fir-fircooneyn jir ahaan
  • Aad sonkorow qabtay waqtigii uurka (sonkorow ilmuhu uurka ku jiraan) ama ilmo miisaankiisu yahay 9 rodol ama 4 kiilo ama ka badan waqtiga dhalashada.

 

Calaamadaha Sonkorowga

  • Aad u oommanaan
  • Daal dareemid
  • In badan kaadi u aadidda musqusha
  • Arag ciiro ku jirto
  • Caatoobid
  • Dhaawacyada oo si gaabis ah u bogsada
  • Baahi joogto ah
  • Maqaarka oo ku cun-cuna
  • Cudurro malaxaysi leh
  • Kabuubyo ama xat-xato cagaha iyo/ama gacmaha ah
  • Dhibaatooyin ka yimaada dhinaca hawlaha galmada

Dadku badanaa ma laha calaamado inkastoo heerka glucose-ta dhiiggoodu ay sarrayso. Waxaa sonkorowga lagaaga baari karaa iyadoo dhiig lagaa qaado.

DARYEELKAADA

Ujeeddadu waa in heerka glucose-ta laga dhigo mid ugu dhow sida caadiga ee suuragalka ah. Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara:

Qorsheynta cuntooyinka aad cunayso

  • Baaridda heerarka Sonkorta dhiiga ( glucose-ta)
  • Barashada Calaamadaha macaanka si aad u ogaatid marka heerka glucose-taad in ay aad u hooseyso ama aad u sarrayso
  • Jir dhis ama jimicsi
  • Daawo qaadasho: insulin ama kaniiniyo
  • Xafididda dhammaan ballammada aad la leedahay, kooxda daryeelk caafimaadkaaga
  • Imaanshada fasallada sonkorowga,ama goobha ay ka socdan casharada sokorowga.

 

HABKA LOOGA HORTAGI KARO SONKOROWGA.

sam_0411

1-cunidda raashiin caafimaad qaba, (cun qudrad ama faakiho badan, iska yaree cunidda baruurta, carbohydarate ka, sonkorta, iyo cusabda).

2-jimicsi joogta ah: ugu yaraan 30 daqiiqo socod ruclayn ah maalintii, u lugay meelaha aad dhow ee aadgaari karto, hana u raacin gaadiid.

3-ka fogow caabidda sigaarka iyo qaadka kuwa uma wanagsana caafimaadkaada.

4-way ku wanaagsantahay inaad ogaato in caafimaadkadu u wanagsan yahay, marwalba booqo goobta kugu dhow ee caafimaad si lagaga baaro heerka sonkorta iyo cadaadiska dhhiga.sokorow

Baaritaanka waqtiga hore iyo daawaynta saxda ah waxay kaa badbaadinaysaa dhibaatoyinka dambe ay ku gaysan karto sonkorowga.

Fadlan: Ha sugin sonkorta ilaa aad ka dareento caafimaad xumo, amaay dhibaato ay u gaysato caafimaadkaga

La hadal dhakhtarkaaga, kalkaalisada iyo cunto qoraha si aad u baratid sida loo maamulo sonkorowgaaga.

Ama la soo xiriir ururka SDMIC, si aad u heshid macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cudurkaanKala xiriir 

Xarunta Maareynta Iyo Macluumaadka Xanuunka Kaadi Macaanka ( Ama sokorowga )

Oo Xarunteeda Kutaalo Magaalada muqdisho gaar Ahaan Isgoyska Siinaay Ee D/Yaaqshiid.

Main office Yaqshid. Mogadishu-Somalia

Street Sinia Junction

Ama Kala Xariir

:+252-615111719/+252-615426394

+252-615718656

Email:sdmi.Org@gmail.com

Mogadishu-Somalia

 

Xarunta Muqdisho-SHAACIYE24.COM