Wax ka Ogow Taariikhda Dhulka Kashmiir oo Mudo Dheer Muslimiinta Ku Nool Ay Cadaadis Xoog leh Kala Kulmayeen Dawlada Hindiya

Erayga Kaashmiir macnihiisu wuxuu noqonayaa Dhulkii Sacfaraanka waana Gobol ku yaal saqafka sare ee caalamka ama dunida korkeeda. Dhulka waxaa ku goglan doog gees illaa gees. Waxaa dhex mara Webiyo, waxay leedahay kaymo iyo dhir u gaar ah oo aad ugu yar dunida inteeda kale.

 

Kaashmiir waxay caan ku tahay Buuro aad u dhaadheer oo ah silsilad ku wareegsan dushoodana waxaa markasta ku sugan daruuro ama baraf. Buurahaas guntooda waxaa ka soo burqada dur durro aan go’in. Dhagxaanta buuraha iyo hawada Kaashmiir guud ahaan waxay u carfoon tahay sida geedka Sacfaraanka. waxaana lagu tilmaamaa meesha adduunka ugu qurux badan. Heer ay Juqraafiyahannadu yiraahdeen “Tani Waa Jannadii Alleh ee dhulka”. “Kashmir—paradise-on-Earth” Laakiin Muslimiinta reer Kaashmiir marna kuma negaanin nabadgelyo. Jannadiina waxay isu beddeshay Jaxiima.

 

Marar badan bay cadawga Hinduugu ku duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan Miiraajka muslimiinta reer Kaashmiir.

 
Pakistan oo iyadu saamayn weyn ku leh arrinta Kaashmiir may lahayn awood sidaa u badan oo ay ku difaacdo Kaashmiir ka hor inta anay samaysan Gantaalaha Nukliyeerka ee meesha fog wax ka dila.

 

Pakistan iyo India markay xornimada ka qaateen gumaysigii Ingiriiska sannadkii 1947-kii waxaa bilaabmay colaad soo jireen ah oo ka dhaxaysay labadaas waddan.Pakistan oo ah waddanka ugu xoog badan dhammaan waddamada Islaamka xagga Milleteriga iyo India oo iyana ah wadanka labaad ee ugu xoog badan xagga Milletetriga dhammaan dunida seddexaad marka laga reebo Shiinaha oo kaalinta koowaad ku jira . labadaas waddan ee cududda intaas le’eg leh ayaa marar badan iskaga horyimid gacan ku haynta dhulka Sacfaraanka.

 

Pakistan waxay ku guuldarrysatay xoreynta Kaashmiir seddex dagaal oo aad loogu hoobtay khasaarahoodiina aan marna la illaawi Karin kuwaas oo kala dhacay sannadadii 1948, 1965, 1971. Dagaalkii ugu xumaana wuxuu dhacay 1971-kii kaasoo ay Pakistan ku weyday qayb dhulkeedii ka mid ah. Bariga Pakistan ayaa intay go’een noqday waddanka maanta loo yaqaan Bangaledhesh.

 

Xaaladduna waxay gaartay heer ay labada waddan isu samaystaan hubka Nukliyeerka oo ay imminka diyaarsadeen. Pakistan waa waddankii ugu horreeyey ee Islaam ah ee si fiican u dhammaystira gantaalaha Nukliyeerka.waxayna ku biirtay ururka waddamada iska leh awoodda Nukliyeerka. waxaana la diiwaan geliyey bishii may sanadkii 1998-kii , markii ay si kedis ah oo yaab leh ay hawada sare ugu tijaabisay gantaalaheeda Nukliyeerka.

 

Adduunyadu markay indhaha ku kala qaadday dhacdadaas taariikhiga aheyd. Ra’iisal wasaare Mr, Nawaz Sheriff ayaa ka baqay hanjabaad kaga timaadda beesha caalamka gaar ahaan reer galbeedka. Markaasaa wasiirkiisii arrimaha debadda Mr, Sartaj Aziz uu si geesinimo leh ugu dhawaaqay in ay tahay guushani mid dhoollatus ku ah kuwa cadawga ku ah Pakistan.

 

Adduunyaduna waxay ku tilmaantay Nukliyeerka labadaas waddan Nukliyeerkii Diimaha. Waxaana lays weydiiyey goorta uu dhacayo dagaal afraad oo lagula kala wareegayo Dhulka Sacfaraanka . Kaasoo laysu adeegsan doono Qumbuladaha Nukliyeerka.

 

Kaashmiir waxay u qaybsan tahay laba qeyabood oo ay kala haystaan India iyo Pakistan. Boqolkiiba shan iyo lixdan waxa ay ku jirtaa gacanta cadawga Hinduuga, caasimadeeduna waa Srinagar.

 

Boqolkiiba shan iyo soddonna waxay hoos timaaddaa Pakistan. Waxaana loogu yeeraa Kaashmiir Asaad ama Kaashmiirta Xorta ah. caasimadeeduna waa Mufdhir Abaad . Kaashmiir waxay ku fadhidaa guud ahaan dhul dhan 222000-KM . oo wareeg ah. Buuraha Kaashmiir dhererkeedu wuxuu gaaraa 8000m. Barwaaqda Allah siiyey Kaashmiir waa mid dabiici ah isla markaana joogta ah. Qof kasta oo tagaana wuxuu ku dhawaaqaa Tani waa Jannadii Alleh ee dhulka.

 

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan la soco Beri qeybta labaad Insha allah.

 

Fadlan walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan

 

Qalinkii: Muxyadiin Cabdulahi Jaamac.