WEERAR ISMIIDAAMIN AYAA LAGU QAADAY SALDHIG CIIDAMADA AMISOM KU LEYIHIIN MAGALADA BELEDWEYNE

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday saldhig military ee ciidamada ka socdo wadanka jabouti ee qeybta ka aha kuwa midowga Africa ee AMISOM kaga sugan magalaada beledweyen ee gobolka Hiiraan.

wararkii ugu horeyey ee ka soo baxa goobta la weeraray ayaa sheegay in lala beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyadoo anan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay inkastoo la maqlayo raasaas ka dhacaysa goobka wax ka dhacay.

Goobjooge ku sugan magalada baledweyne oo aan la xirirnay ayaa inoo xaqiijiey in aysan u suura galin ragii weerarka soo qaaday in ay gudaha u galaan xarunta balse ay wax yeelo ka so gartay kuwii weerarka soo qaday.

Wixii warar ee ku soo kordha waxaan idinkala soo socodsiin donaa halkan Insha Allah