Weerer Yahanka Kooxda Kubada Cagta Real Madrid Benzema Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka————————-

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka gudbay tijaabadii caafimaad ee la marsiyey, isagoo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda, waxaana uu diyaar u yahay kulanka Axadda ee Madrid Derby.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa lagu daray liiska ciyaaryahannada Los Blancos ee wajahaya kooxda Atletico Madrid, maadaama uu Alvaro Morata dhaawac yahay, balse lama filayo inuu kusoo bilowdo kulanka ka dhacaya garoonka Vicente Calderón.

Jariiradda AS ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in weeraryahankan ay u badan tahay inuu kulanka Atletico Madrid ku soo bilaaban doono kursiga keydka, maadaama uu dhaawac ka soo bogsaday waqti dhow.