Willian : Hal Laacib Ayaa U Sabab Ahaa Guushii Aan Shalay Ka Gaarnay Man City “

Garabka kooxda Chelsea ee Willian ayaa ka hadlay guushii ay shalay ka gaareen kooxda Man City oo ay wada ciyaareen kullan horyaalka Ingiriiska ah.

Kulankaas oo ay City ku gaaraceen 3/1 ayaa ka tisranaa wareegga 14-aad ee horyaalka Ingiriiska iyadoo Wilian uu gool ku lahaa goolashaas

Daily Star ayuu Willian ka yiri ” Costa aad ayuu u wacnaa kulankaas , kubad cajiib aheyd ayuu ii soo baasay oo aan gool qatar ah ku dhaliyay, guud ahaan furihii guusha ee kulankaas City ayuu ahaa “.

” Ka garab ciyaaridda Costa waa arin aad u wacan , waa xiddig cajiib ah oo caalami ah , waan ku faraxsnahay goolkeygii shalay waxaase iiga sii farxad badan guusha kooxda iyo dhibacaha aan helanay”.

Chelsea aya kulankooda soo socda ee horyaalka waxa ay laciyaarayaan West Brom waxa uuna dhacayaa 11-ka bishaan