Xanta Suuqa: Aresenal Oo sheegtay In Ay Iska Fasaxeyso Xidigeyda Lucas Perez Bisha Janaayo——-

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay albaabada u furi karto inay koox kale amaah ku siiso weeraryahankeeda Lucas Perez bisha Janaayo marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

28-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo safka koowaad ee tababare Arsene Wenger, waxaana ka horreeya oo xiddigan laga door bidayaa Alexis Sanchez iyo Olivier Giroud.

Perez, kaasoo 87 daqiiqo ciyaaray Premier League xilli ciyaareedkan ayey kooxda ka dhisan Waqooyiga magaalada London kala soo saxiixatay xagaagan adduun dhan 17.1 milyan oo gini naadiga Deportivo La Coruna.

Sida ay warinayso majaladda Calciomercato, Perez ayaa albaabka loo tilmaami karaa kaliya shan bilood kaddib markii uu yimid garoonka Emirates, kooxda Gunners ayaana diyaar u ah inay weeraryahankeedan amaah ku dirto.

Perez ayaa labo gool u dhaliyey Gunners ilaa iyo hadda xagaagan, iyadoo labadaas gool ay yimaadeen kulankii ay 4-0 uga adkaatay Arsenal kooxda Nottingham Forest ee EFL Cup.