Xarakadda Alshabaab oo si buuxda ula wareegay Deegaanka Ceel-cali ee Gobalka Hiiraan

Boqolaal ka tirsan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab ayaa si rasmi ahaan ula wareegay Deegaanka Ceel-cali oo 70-KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Beled-weyne.
Goobjoogayaal ku sugan Deegaanka Ceel-cali ayaa sheegay inay Xarakadda Alshabaab ku sugan yihiin Deegaankaasi, kadib, markii ay Askarta Ethiopianka isaga huleeleen Deegaankaasi.
Dagaalamayaasha Alshabaab intaysan gudaha u gelin Ceel-cali waxay saakayto Gantaalo ku asqeysiiyeen Saldhigga Askarta Ethiopia, iyadoo Ciiddankaasi lagu khasbay inay saakayto ka baxaan Deegaankaasi, una soo huleelaan magaalladda Beled-weyne.
Xaalladda Deegaanka Ceel-cali ayaa deggan, iyadoo dadkuna ku guda-jiraan Hawl-maalmeedkooda caadiga.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay haatan dareemayaan Jawi Nabadeed oo Farxad leh, isla markaana ay caleemo qoyan ku soo dhaweeyeen Ciiddanka Alshabaab.
Ma jiro wax hadal oo ay Taliska AMISOM ka soo saareen Hawlgalka ay Dagaalamayaasha Alshabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta Deegaanka ceel-cali.

kkkkkkk