XASAASI: Gaalkacyo oo Maanta ku ballansan Madaxda Galmudug iyo Puntland

madaxweynayaalka

Maanta ayaa lagu wadaa inay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku kulmaan Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmduug,si ay uga wada hadlaan dagaalka Gaalkacyo.

kulankan ay ku ballansan yihiin Labada hoggaamiye C/wali Maxamed Cali iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Golaha Abwaanada iyo Aqoon yahanno iyo wax garadka Labada dhinac.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa lagu wadaa inuu kulanka kasoo qayb galo, maaddaama uu isagu iclaamiyay in Labada dhinac ay Jimcaha isugu yimmaaddaan Gaalkacyo, xilli uu Toddobadii Bishan kulan kula qaadanayay Magaalada Boosaaso C/wali Gaas.

kulanka lagu dhex-dhexaadinaya Labada dhinac, ayaa inta badan diiradda lagu saari doonaa sidii loo joojin lahaa Colaadda Gaalkacyo oo geysatay qasaara isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo Barakac xooggan.

 

LAWADAAG ASXAABTAADA