Xasan Shiikh” Kilinka 5aad Itoobiya ayaa leh Mana Aqbali doono Cid kastaa oo Carqaladeyneysa ama Xoreyneysa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Tv-ga Horn Cable Xaruntiisa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in Duqeyn lagu dilay Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Sheekh Axmed Cumar Diiriye Abuu Cubeyda iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Shabaab.

 
Madaxweyne Xasan ayaa Xusay in aan la cadeyn karin in Saraakiisha lagu dilay Degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe uu ku jiro Hogaamiyaha Al-shabaab balse ay wadaan Qiimeyn ku aadan sidii loo ogaan lahaa Salka iyo Xaqiiqada Saraakiisha la dilay.

 
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga weydiiyay Safarkii uu ku tagay Magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaali Galbeed oo Itoobiya ay Maamusho ayaa sheegay in dhulkaasi uu ka tirsan yahay Dalka Itoobiya,waxaana uu xusay in aysan Aqbali doonin Cid kasta oo Carqaladeysa Ammaanka ka jira Dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ay Maamusho.

 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan Safar ku tagay Degaanada Soomaali Galbeed Ee Itoobiya ay Maamusho,iyadoo Madaxweyne Xasan uu Xusay in Booqashada Jigjiga uu ku Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.