Xeebaha Dalka Masar waxaa weli ka socda Howlgal badbaadin ah , kadib markii shalay Doon siday 600 oo Qof ay ku degtay xeebaha Dalka Masar+Sawirro

Caafimaaadka Dalka Masar ayaa sheegay in tirade dhimashada ee dadkii wax ku noqday doontii ku qallibantay badweynta Mediterranean-ka ee magaalada  Rosetta ay gaarayaan 42-ruux.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Masar,doontaasi qallibantay waxa ay siday 600-lix boqol oo qof,kuwaas oo la tilmaamay In ay u kala dhasheen Dalalka Suuriya,Masar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah.

Doonta qallibantay ayaa lagu waramay in ay ka soo shiraacatay  agagaarka Kafr El-Sheikh,waxaana boliiska dalka Masar ay sheegeen in aysan garaneyn halkii ay ku socotay.

Shilkaasi oo dhacay Arbacadii ayaa yimid laba cisho ka hor markii Madaxweynaha Dalkaasi Abdel-Fattah El-Sisi oo ka qeybgalay shirkii Qaramada Midoobay uu u sheegay madaxda Umadaha Midoobay in arrimaha la xiriira socdaalka qaxootiga ah laga dhigo ajeendaha ugu sareeya ee leh mudnaanta koowaad.

Illaa iyo hadda ma cadda in dadkaasi ku waxyeeloobay doontaasi ay ku jiraan dad Soomaali ah ,waxaana lagu waramay in la badbaadiyay tiro badan oo ajaaniib ah.

 

d1 d2 d3 d4 d5 shaeaxaad-1-640x360