Xiddig Amaah ugu maqan kooxda Heegan oo geeriyooday————–

Allaha unaxariiste waxaa xalay geeriyooday xiddigii kooxda Heegan Bashiir Maxamed (Bashiir Muufo) kaasoo amaah ugu ciyaarayay kooxda OFC.

Xiddigaan ayaa ku sugnaa guri ku yaalo degmada Xamar Jab Jab, kaasoo lagu weeraray Bam Gacmeed  sida uu inoo xaqiijiyay guddoomiyaha kooxda OFC Bashiir Salaad Barre Bashiir Dheere.

Geerida xiddiga ayaa timid maalmo kaddib markii uu kooxdiisa OFC  ka gacan siiyay in ay kasoo baxdo heerka saddexaad isla markaana ay ku guleysato horyaalka.

AUN Bashiir ayaa horay ugu soo ciyaaray degmada Xamar Jab Jab, isagoo sidoo kale ka mid ahaa weeraryahanadii ugu halista badnaa horyaalkii 37 ’aad ee ka dhacay garoonka Jaamacadaha, xilli uu matalayay kooxda Heegan.