Xildhibaan Axmed Tiibi Oo Aadaanka U Daaray baarlamaanka Israil

xiliban-muslim

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Israel oo Muslim ay ayaa ka dhex addimay Fadhiga Baarlamaanka Israel kadib markii Ra’isal wasaaraha Israel uu soo jeediyay xeer mamnuucaya Aadaanka Masaajidda.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Axmed Tiibi, ayaa Isaga addimay kadib markii lagu soo dhaweeyay codbaahiya si uu aragtidiisa uga dhiibto xeerka Israel soo saartay,waxaana uu sidoo kale la soo baxay taleefankiisa gacanta oo uu ka daaray Aadaanka maqashiyayna Xildhibaannada Israel.

Xildhibaan Axmed ayaa aad u cambbaareeyay Ra’isalwasaaraha Israel,waxaana uu u sheegay in Islaam naceybkasta oo uu muujiyo uusan islaamka sidaas ku baaba’eyn.