Xildhibaan Caan ah oo ka mid noqday Xildhibaanada Aqalka hoose(Magaciisa).

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ku soo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Doorashadan oo saakay ka bilaabatay Magaalada Baydhabo ayaa weli socota, waxaana ay tahay mid xiiso badan, maadaama siyaasiyiin caan ah ay tartamayaan.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo helay 49 dhibcood ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka, kadib markii uu ka guuleystay Maxamed Shuute Xuseen oo la tartamayay, waxaana khasaatay Labo cod.

Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dooranaya xubnaha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.