Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland oo la Xisaabtamaya Axmad Madoobe iyo Golihiisa Wasiirada

Baarlamanka maamulka Jubbaland  ayaa sheegay in ay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ay kula xisaabtami doonaan sababaha keenay in wali Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ka gaabiyay Wax u qabashada dadka kunool gobolka Jubbada Dhexe oo ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay u soo jeesan doonaan la xisaabtanka madaxweyne Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sare loo qaadi doono la xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland.