Xildhibaanada Baarlamanka oo Maanta lagu wado in ay ka doodaan Qodobo Muhiim ah

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa Maanta waxa ay ku shirayaan Xarunta Golaha Shacabka oo ay kaga doodi doonan qodobo aad Muhiim u ah iyo sharciyo kala duwan.

Qodobada maanta looga doodaayo kalfadhigaan waxaa ka mid ah sidii loo habeyn lahaa Shaqooyinka ay qabanayaan Baarlamaanka soo socda ee badalaya midka hadda jira.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Kulanka Maanta waxaa uu u noqonayaa kii Labaad tan iyo waxii ka dambeeyay Fasaxii Bisha Ramadaan ee Baarlamaanku uu galay.

Sidoo Kale Kalfadhigaan ayaa ah kii ugu Dambeeyey ee Xildhibaanada ay yeeshaan maadama Waqtigood uu gabo gabo yahay ayna ugu dambeyso kalfadhigan goordhaw furmay.