Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Xildhibaannada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Galmudug, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug,  Maamulka Magaalada Dhuusamareeb & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaannada labada Aqal ka tirsan ee Maanta tegay Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah Sanoter Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Xuseen Iidow, Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas ( Dhageey) iyo xubno kale.

Ujeedka Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi ka bilaabayaan  olole ay ku doonayaan dib usoo laabasho afarta sano ee soo socota ah.