Xilibaanadda Aqalka Sare Oo Meel Mariyay Xeer Hooshaadkii Ay Ku Holw Gali Lahaayeen———–

Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanaka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku aqnsiyeen xeer hoosaadka uu yeelanayo Golaha Aqalka sare.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka, isagoo xusay in howl wanaagsan la qabtay.

“Anigoo ku hadlaya afka  guddoonka iyo codka mudanayaasha Aqalka Sare waxaan u mahadcelinayaa  guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare, wax wanaagsan ayay soo qabteen guddiga waqti badan ayay galiyeen ka shaqaynta xeer hoosaadka aan ku shaqaynayno”ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

C/risaaq Cusmaan Jurille oo ka tirsanaa Guddiga soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka sare ayaa soo dhoweeyay ansixinta xeer hoosaadkan ay meel mariyeen Xildhibaanada

Xeer Hoosaadka ayaa akhrintiisa iyo doodiisa waxa ay soo bilaabatay 25-kii Feberaayo, waxaana ka kooban yahay 10 cutub iyo 98 qodob.

Golaha Aqalka sare oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ah Gole cusub oo sanadkii hore la soo doortay.