Xisbiga Wadani oo ka baxay heshiis uu la galay Xisbiyada Somaliland.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Soomaaliland  ayaa  maanta waxaa uu ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba ay ka baxeen heshiiskii xisbiyada Somaliland ay dhawaan ka gareen arimaha doorashooyinka ee lagu saxeexay madaxtooyada Somaliland.

Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan oo warbaahinta  la  hadley ayaa waxaa uu xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye ku eedeyey in  heshiiskaas ay ka baxeen.

Sidoo kale Xirse ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in aysan fuli doonin qodobadii ay dhawaan kala saxiisdeen Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani oo looga heshiiyay arimaha Doorashooyinka iyo inta ay noqonayaan Xubnaga Gudigga Doorashooyinka Somaliland.

Xisbiyadda Somaliland ayaa horey ugu heshiiyay in Gudiga doorashooyinku ay noqdaan 9 Xubnood , halka shalay Golaha Wakiiladu ay sheegeen in ay ka dhigeen 7 Xubnood.