Xog Cusub: Bangiga Dhexe ee Soomaliya oo la Sheegay in Lacagaha laga Xaday ay gaareyso 4 Milyan oo Dollar

Iyadoo Dhawaan Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaliya uu shaaca ka qaaday in Qasnada Bangiga dhexe laga xaday Lacago gaaraya ku dhawaad 530,000 oo Dollar taasi oo aan la aogeyn cida kala baxday qasnada dowlada.

Lacagahaasi ayaan weli la ogaan cida ay ku Maqantahay waxaana ilaa iyo hada aan la ogeyn sida loo xaday lacagta iyo masuulka xaday intaba .

Iyadoo taasi ay jirtay ayaa hadana waxaa soo baxaya Xog kaloo ku saabsan in Lacagta laga xaday Bangiga dhexe ay Malaayiin dollar gaareyso.

Xog ay heshay Shaaciye24 ayaa sheegeysa in Lacago gaaraya ilaa 4 Milyan oo dollarka Mareykanka ah laga xaday Bangiga dhexe ee Soomaliya taasi oo al sheegay in lagu shubtay Account gaar ah oo dad Madax ah ay leeyihiin inkastoo aan la shaacin Madaxda akoomadooda ku shubtay lacagta la xaday.

Waqtiga kala guurka markii la gaaro sida Madaxda Caadadooda ah waxa ay sameeyaan Musuq maasuq lacageed iyo ka tagri fal hantidada Qaranka taasi oo sumcad xumo ku ah Dalka iyo Dadka Soomaliyed.