XOG: Madaxweyne farmaajo oo siyaasad cusub la ciyaaraya imaaraadka xili uu ku dhawyahay in uu…..

Imaaraadka ayaa noqonaya dowladda koowaad ee Soomaaliya caawin doonto, waxayna booskaas kala wareegeysaa Turkiga oo loolan kala dhaxeeyay xaaladda Soomaaliya, socdaalkii uga dambeeyay waxaa lagu heshiiyay heshiiyo dhowr ah oo qodob ka mida aan la shaacin.

Heshiisyadaasi waxaa ka mida: In Imaaraadku taageero dhaqaale siiyo dowladda Soomaaliya kuwaasoo ay ku jiraan dhaqaale bil waliba lagu kabayo miisaaniyadda dowladda, tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda, mashaariic horumrineed oo la fuliyo iyo deeq abaaraha Soomaaliya.

Taas bedelkeed dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ogolaatay saldhigga milateri ee Berbera, waxaa kaloo Imaaraadka heshiisyo la geli doonnaa maamulada dalka isagoo maamuli doona dekado iyo xarumo ciidan.

Heshiiskan aan la shaacin waxaa barbar socda rabitaanka Imaaraadka ee ah inay gacanta  ku dhigto dekadda Soomaaliya oo la filayo inay la wareegto dekadaha harsan ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan heshiis ay gaareen labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay ka mid tahay in la isla qiray inay lama taabtaan tahay midnimada Soomaaliya.

Dowlada Somalia ee u hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa mudo bilo gudaheed ah waxaay damacsan tahay in Sameeynta u Turkiga kuleeyahay Somalia ay aad u yarayso ayado   Shirkadaha Turkiga ee Maamula Garoonka iyo Dakada Muqdisho  ka waraajin doonta islamarkana ku wareejin doonta  Shirkado Imaradka carabta ka socda.

Turkiga ayaa  Somaalia u soo gurmaday xili ay wadamo badan oo calamka ka tirsan aysan ku soo dhiran kariin imanshaha Caasimada Somalia ee Muqdisho waxaana una wadanka Somalia ku soo jeediyay Indhaha Calamka .

Sido kale Turkiga waxaa uu  wadanka Somalia  ka hergaliyay Mashaaric baxad leh oo marka la isku daro wadama carabta aysan somalia ka fulin.

 

LAWADAAG ASXAABTAADA KALE