XOG: Shir Qarsoodi ah oo ay ka Maqnaayeen Madaxweyne Guulled iyo C/Wali Gaas oo Muqdisho ka dhacay+Warqad cadeyn ah

Warqad si sir ah loo helay ayaa muujineysa in magaalada Muqdisho ay shir qarsoodi ah ku yeesheen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada.

Sidda ku cad warqadda, shirka ayaa looga hadlay xubnaha odayaasha ee soo xulaayo baarlamaanka cusub ee soo socda iyo in madaxda dowladda ay sameeso odayaal been abuur ah si beesha caalamka iyo bulshadda rayidka loo tuso in ay yihiin odayaashii saxda ah ee soo xulayey baarlamaanka cusub.

Kulankan gaarka ah waxaa ka maqnaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, marka laga tago in ay safar dibadda ku maqan yihiin haddana ma cadda sababata looga tagay shirka iyo waxa ka maqneesiiyey.

Shirkan ayaa la sheegay in uu dhacay 26-kii bishan Ogoosto, waxaa kaloo ilaha warkan laga soo xigtay ay sheegayaan in dhinacyada shiray ay isku raaceyn in la abuuro odayaal 136-ka kooban kuwaasoo soo xuli doona baarlamaanka soo socda.

Warqad ka soo baxday Xaafiiska Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo hadda saaxiib dhaw la noqdey Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu cadeeyey in Odaygan cusub uu soo xuli doono xubinta Beesha Reer Aw Xasan oo uu ka soo jeedo Faarax Sh Cabdulqaadir.

Warqadan ayaa si toos ah ugu socotay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal, Guddiga doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyadoo lagu ogeysiiyay Madasha Wada-tashiga Qaran, waxaana lagu howl geliyay Oday dhaqameed cusub oo lagu biirinayo liiska 135 oday.

Madaxda dowladda ee shirkan ku jiray waxaa ka mid ah afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo laga rabay in uu ilaaliyo sharciga.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka iyo xisbiyadaha ka dhisan dalka ayaa walaac ka muujiyey warqaddan iyo shirka qarsoodiga ah ee ka dhacay Muqdisho.

 

qoral-oday