XOG: Xasan Shiikh oo Heshiis aan cadi aheyn la galay Guddiga Doorashada si uu Markale ugu guuleysto Kursiga Madaxtinimada

Waxaa isa soo taraaya xogaha kusaabsan nidaamka ay ku shaqeynayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somalia ee dhawaan uu magacaaway Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Xogaha isa soo taraaya ayaa muujineysa in Madaxweyne Xasan uu heshiis toos ah la galay Guddiga doorashooyinka, kaasi oo dhacay maalin un ka hor inta uusan furmin Shirka Madasha Qaran ee hadda kusoo xirmay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan iyo Guddiga ayaa waxaa dhex dhexaad u ahaa xubno Siyaasad ahaan ku dhow dhow Madaxweynaha sidoo kalane saaxiib dhow la ah Guddoomiyaha Guddiga Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo shaqsi ahaantiisa horay u ahaan jiray la-taliyaha gaarka ah ee Xassan Sheekh.

Heshiiskaani ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, waxa uuna u dhacay 2 qeybood oo la rumeysan yahay in loo kala saaray sida ay u kala culusyihiin.

Xogtu waxa ay muujineysaa in qeybta koowaad uu Xasan Sheekh ku iibsaday xubin waliba 30,000$ si ay u gutaan howlaha ay u hayaan Xasan Sheekh.

Qeybta labaad ayaa waxaa la sheegay inay ku dhufteen min 20,000$, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in dhaqaalaha gaarka ah ee loogu tallo galay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ay tani ka madax-banaan tahay isla markaana wixiisa si gaar ah loogu qoondeeyay.

Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), ayaa iminka fadhi ka dhigtay Xafiiska Madaxweynaha, isaga oo halkaasi kulan joogta ah kula qaata Xasan si ay uga wada hadlaan qorshaha Siyaasada cusub.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale, Cumar Dhagey dajiyay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqaalahaasi ay ku socto Xasan Sheekh.

Lacagaha aan kor kusoo xusnay ayaa waxaa barbar socda lacago kale oo lagu indha sarcaadinaayo xubnahaasi, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xubnaha qaar aan lasiin dhaqaalaha kor ku xusan sababo Siyaasadeed jira aawgood.

Xasan Sheekh oo kulamo kala duwan la qaatay guud ahaan Guddiga doorashooyinka Qaranka, ayaa waxa uu cadaadis ku saaray inay u dhaga nuglaadan awaamirta Cumar Dhagey.

Geesta kale, qorshaha fog ee Xasan Sheekh ayaa ah in guusha doorashada ay u hoyato dhankiisa, isagoo adeegsanaaya Guddiga.