Xukuumada Washington oo ku baaqday in si deg deg alh loo joojiyo Dibad baxyada ka socda Dalka Itoobiya.

War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si weyn u cambaareynayso bannaan baxyada ka socdo qaar ka mid ah gobolada dalka Itoobiya oo ay dhigayaan Qowmiyadaha Orama iyo Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya ugu baaqday in ay yareyso khasaaraha ka dhalan kara dibad baxyada dalka Itoobiya.

Hay’adda xuquuqda aadanaha, Amnesty International , ayaa sheegeysa in ilo la aamini karo ay ka heshay in ilaa boqol ruux lagu dilay dibadbaxyada Itoobiya.

Aaska meydadka ku dhintay rabshadihii dabayaaqadii toddobaadka, ayaa ka socda magaalada waqooyiga gableed Itoobiya ee Bahir Dar.

Dibadbaxyada, ayaa ka dhacay gobolada Oromia iyo Amhara oo ay ku nool yihiin labada qowmiyadood ee dalka ugu badan. Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in tiro dad ah la dilay.