Yaa Hogaaminaya Gool Dhalinta Horyaalka Primer League Halkaan Ka Aqriso————–

Waxaa inta badan la ciyaaray kulamadii 14aad ee xilli ciyaareedka horyaalka Premier League iyadoo tartanka uu marayo meel xiiso leh, si la mid ah waxaa iyadana xiiso leh xilli ciyaareedkan tartanka gooldhalinta horyaalka Ingariiska.

Diego Costa ayaa weli hogaanka ka dhex muuqda ka dib markii uu isbuucaan dhaliyay goolkiisii 11aad ee xilli ciyaareedka kulankii ay Chelsea 3-1 kaga badiyeen kooxda Manchester City, laakiin waxaa ka daba yimid oo 11 gool la wadaaga xiddiga Arsenal Alexis Sanchez kaasoo seddexleey ku dhaliyay 14 daqiiqo gudahood isbuucaan kulankii ay Gunners 5-1 ku xasuuqeen kooxda West Ham.

Sergio Aguero ayaa laga tagay isbuucaan isagoo ku jira kaalinta labaad waxa uu leeyahay 10 gool ka dib markii uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankii ay kooxdiisa guuldarada ka soo gaartay Chelsea, waxaana u sii dheer inuu ganaax ku maqnaan doono kulamada soo socda.

Waxaa isbuucaan kaalinta seddexaad isla soo galay seddex ciyaaryahan, Eden Hazard oo shabaqa ka soo taabtay Man City, Zlatan Ibrahimovic oo shabaqa u soo taabtay Man United kulankii ay barbaraha la galeen Everton iyo Jermaine Defoe oo ka caawiyay Sunderland inay 2-1 ku suuldaaraan Leicester City, waxaana ay dhamaantood isla wadaagaan min sideed gool.

Romelu Lukaku ayaa looga daba yimid booskiisa kaalinta afaraad iyadoo Sadio Mane uu dhaliyay goolkiisii 7aad ee xilli ciyaareedka kulankii ay Liverpool guuldarada ka soo gaartay Bournemouth, halka labadii gool ee uu Harry Kane dhaliyay kulankii ay Tottenham 5-0 kaga badiyeen Swansea ay ka dhigtay inuu isna leeyahay 7 gool, waxaa ku soo biiray weeraryahanka Crystal Palace Christian Benteke kaasoo isna isbuucaan labo gool dhaliyay kulankii ay ka badiyeen Southampton.

Kala Sareynta Gooldhalinta Premier League:
11 gool – Diego Costa (Chelsea), Alexis Sanchez (Arsenal)

10 gool – Sergio Aguero (Man City)

8 gool – Jermain Defoe (Sunderland), Eden Hazard (Chelsea), Zlatan Ibrahimovic (Man United)

7 gool – Romelu Lukaku (Everton), Sadio Mane (Liverpool), Harry Kane (Tottenham), Christian Benteke (Crystal Palace).

6 gool – Theo Walcott (Arsenal), Leroy Fer (Swansea), Michail Antonio (West Ham)

WQ. wariye ismail abdi ibrahim { sanka }