Zlatan Ibrahimovic oo sanadkii 10-aad oo xiriir ah ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican sanadka Sweden———–

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Zlatan Ibrahimovic ayaa sanadkiisii 10-aad oo xiriir ah ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican sanadka Sweden 2016 ee (Swedish Player of the Year award 2016).

35-sano jirkaan ayaa isaga fariistay ciyaaraha heerka caalami sanadkan aynu jirno ee 2016 wax yar kaddib markii xulkiisa qaranka Sweden uu ka haray Koobka qarammada Yurub, waxaana uu abaal-marintan markiisii ugu horreysay ku guuleystay Ibra sanadkii 2005.

Kaliya sanadkii 2006 ayuu Ibrahimovic seegay hanashada abaal-marintan tan iyo markii uu bilaabay qaadisteeda, markaasoo uu ku guuleystay xiddigii hore ee kooxda Arsenal Fredrik Ljungberg.

Waa sanadkii 11-aad oo uu abaal-marintan ku guuleysanayo joog-dheeraha reer Sweden ee Ibra, laakiin waxa uu hadda hantay abaal-marintan markiisii 10-aad oo xiriir ah, waayo laga soo bilaabo sanadkii 2007 ilaa iyo sanadkan 2016 isaga ayaa iska dal-dalanaya abaal-marintan.

Ibra ayaa abaal-marintan ku kala guuleystay sanadahan hoos ka muuqda:-

2005 2007 2008 2009 2010 2011 2012 2013 2014 2015 2016